U bood dhigaalka

Natiijada Doorashadii Somaliland Oo Maanta La Shaacinayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqo natiijada doorashadii 13-kii bishan.

Xubno ka tirsan guddiga aya sheegay in lasoo dhammeeyay tirinta dhammaan cododkii ay dhiibteen shacabka Somaliland, islamarkaana saacado kadib ay ku dhowaaqi doonaan.

Waxaa socota qabanqaabada munaasabadda loogu dhowaaqi doono natiijada doorashada Somaliland.

Shacabka Somaliland ayaa aad u sugaya natiijada doorashadii ay codeeyeen, iyadoo ay jiran xisbiyada qaar oo dhaliilsan hanaanka ay wax u socdaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News