U bood dhigaalka

Natiijo Horyaalka-Kooxda Ciidanka Dalka Ee Horseed Oo Ka Badisay Muqdisho City Club

Sheeko:Cayaaraha

kooxda ciidan xooga dalka ee Horseed ayaa guul muhiim ka gaartay dhigeeda Muqdisho City Club,iyagoo labada dhinac ay wada ciyaareen kulamadoodii 12-aad horyaalka Somalia Premier League 2018-2019.

Qeybta 1aad labada koox ayaa taageerayaashooda u soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis waxaana nasiida laga kala maray barbaro goolal la’aan ah ama (0-0).

“Allah ayaa mahad iska leh kulankan waxa uu inoo ahaa mid muhiim  ah waayo waxaan ku dhawaanaynay kaalinta 2aad iyo in yareeno farqiga xaga dhibcaha” waxaa Goobjoog Sports ugu swaramay Macallinka kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon).

Markii laysku soo laabtay dheesha labada koox ayaa sameeyay fursado badan,basle daqiiqadii u danbeesay ciyaarta kooxda Horseed ayaa dhalisay gool cajiib ah oo madax ah waxaana u dhaliyay laacib Farxaan Maxamed Axmed (Farxaan Duqow),isagoo kulanka badal ku soo galay.

“Waxaan soo bandhigay ciyaar cajiib ah,balse guusha waxa ay raacday dhigeena Horseed waan u hambalyaynaa waxaanse usoo diyaar garoobaynaa kulamada kale ee horyaalka”Waxaa Goobjoog Sports u sheegy tababaraha kooxda kubbadda cagta dowladda hoose ee Muqdisho City Club Xuseen Balangu.

Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Baroodo),Calanhayaha 2aad waxa uu ahaa garsoore Nuur Cabdi Maxamed,halka garsooraha keydka uu ahaa Najiib Cawil Ismaaciil,waxaase xer ilaaliyaha ciyaarta kulanka uu ahaa Guddoomiyaha garsoorka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Halkan Ka Daawo Warbixin ku saabsan kulankii dhaxmaray kooxaha Horseed & Muqdisho City Club

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/649300115537964/

Maxamed Xuseen Qalinle