U bood dhigaalka

Natiijo-Kooxd Mogadishu City Club Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Madbacada Qaranka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubbadda cagta #Madbacada Qaranka iyo Muqdisho City Club ayaa wada dheelay kulan ka tirsanaa horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa waxaana qeybta 1aad lagu kala maray 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha Muqdisho City Club waxaanan u dhaliyay xidigaha kala ah Maxamed Kulul Jeynaa iyo Qeys Cabdulle Macalin Aadan .

Qeybta labaad kooxda Mogadishu City Club ayaa heshay fursado gool ah waxaana labo gool oo mid ahaa gool ku laad u dhaliyay xidiga reer Kenya #Marcel Odhaimbo waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City.

“Waxaan ciyaarnay kulan adag iyo todobaad kale oo xiiso badan iminka kooxda aad ay iskula qabsatay kulamada inoo haray waxaan ku da’daalaynaa in aan sii wadano guulahan muhiimka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Macalinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda Mogadishu City Club Hussein Mbalangu.

Natiijooyinka M.C.C Iyo Lixdii Kulan Ugu Horeesay Horyaalka
08/02/2019 Jeenyo 1:0Mogadishu City Club
26/02/2019 Mogadishu City Club 1:2 Horseed
18/02/2019 Mogadishu City Club 1:1 Midnimo
06/03/2019 Mogadishu City Club 1:0 Heegan
13/03/2019 Gaadiidka FC 1:2 Mogadishu City Club
19/03/2019 Madbacada Qaranka 1:4 Mogadishu City Club

“Horayna ayaa warbaahinta ugu sheegay in aan kusoo laabanayo wadada guulaha iminka waxaa diirada saarno kulamada inoo horay wareega 1-aad ee horyaalka” waxaa sidaas kulanka ka dib Goobjoog Sports u sheegay Abdiwali Olad Gaatamow oo tababare ku xigeynka kooxda M.C.C.

Kooxda Mogadishu City Club Wareega 1-aad waxaa u haray saddex kulan labo ka mid ah waxa ay wajhaysaa kooxaha u adag ee kala ah Elman-Sports Club iyo Dekedda,halka kulanka kale ayaa la ciyaarayso naadiga Jazeera Sports Club.

Saddex Kulan Ee Wareega 1-aad Uga Haray Muqdisho City Club
25-03-2019-Elman VS Muqdisho City Club
29/03-2019-Jazeera Sports Club VS Muqdisho City Club
04/04-2019-Dekedda VS Muqdisho City Club

Kulanka waxaa Garsoore ka ahaa Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Aadan Cilmi Maxamed,Calanhayaha 2-aad waxa uu ahaa Xuseen Xaaji Basir,garsooraha keydka Axmed Cali Jimcaale,halka xer ilaaliyahay ciyaarta uu ahaa Aweys Nuur Axmed.
Maxamed Xuseen Qalinle