U bood dhigaalka

Natiijo-Kooxda Kubbadda Cagta Som United Oo Gushii Ugu Horeesay Gaartay

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo maalmahan caasimada Muqdisho u joogto ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ayaa ciyaartii labaad loo qorsheeyay waxaa ay 3-1 kaga adkaadeen wiilasha Madabacada Qaranka.

Kulankii kowaad ee saaxiibtinimo xidigaha Som United waxa ay guul daro 1-0 kala kulmeen dhiggooda Muqdisho United inkasta oo ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan xirfad wanaagsan.

“Waan ku faraxsanahay natiijada kasoo baxday kulanka,balse yoolka aan caruurtan u keenay wadanka kaliya ma ahan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ee waa in ay bartaan dhaqankooda iyo dalka ay iyaga lee yihiin” waxaa sidaas wariyaha Goobjoog u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo ah layliyaha  Som United.

Qeybta kowaad kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen wiilasha Som United waxaana ciyaartan kasoo qeyb galay wafdiga kooxdan iyo taageerayaal aad u tiro badan.

Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka ciyaartooyda Madbacada Qaranka ayaa helay gool ku laad,balse natijada ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku qaateyn kooxda Som Unied ee ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden.

“Kooxda iminka way la qabsatay ku dheelista garoomada dalka qof walbo ayaa jecel guusha anagana dadka oo dhan ayaa ina soo eegaya maadaam aanu nahay koox ka ciyaarta horyaalka 4aad ee Sweden”waxaa sidaas Gooboog Sports u sheegay Yaasir Maxamed Maxamuud oo ka mid ah wafdiga kooxda horayna ugu soo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta Soomaaliya.

Wiilasha Som United iminka waxaa u haray laba ciyaareed,iyagoo la dheelidoona kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Muqdisho City Club oo magacaan qaadatay 25-November 2018 horayna waxaa la oran jiray Banaadir Sports Club.

26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United

28-12-2018-Som United VS Muqdisho City

Waan ku faraxsanahay in sanadka sii dhamaanaya ee 2018 aan caasimada u imaado horomarin iyo is dhaxgal bulsho waxaan sugi la ahay kulanka adag ee dhex maridoona ciyaartooyda Som United iyo L.L.P Jeenyo ee aan horay ugu mid ahaa dadkii kusoo baxay dibna usoo nooleeyay”waxaa sidaas inoo sheegay Bashiri Cilmi Maxamed Bashiir (Jeenyo) oo ah madaxda wafdiga Som United horayna ugu soo dheelay L.L.P Jeenyo iyo xulka qaranka dalka.

Isku soo wada duub safarka Som United ee caasimada ayaa ku eg 30-December 2018 waxayna noqonaysaa kooxdii Saddexaad oo wadanka imaaday sanadkan sii dhamaanaya 2018.

Hlakan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Som United VS Madbacada Qaranka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1160489110785506/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle