U bood dhigaalka

Natiijo-Xulka Qaranka Oo Ka Badiyay Jabuuti Waxayna Wada Ciyaareyn Kulan Saaxiibtinimo

Sheeko:Cayaaraha

Xidigaha xulka qaranka 20-jirada ayaa markii ugu horeesay ciyaaro saaxiibtinimo dalka uga baxay ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna ciyaartan la dheeleyn dhigooda Jabuuti.

Laacib Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo dalka u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay  ee xulka qaranka saddexlay u dhaliya waana rikoorka wanaagsan uu sameeyay laacib Feysal oo adeerkiis Yasir Mohamed Mohamud ka mid ahaa xidigihii usoo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta.

“Waxa ay ii tahay sharaf iyo guul in aan markii labaad aan hogaamiyo xulka wadankayga aan soo gaarno guul muhiim inoo ah waxayna taas ka turjumaysaa dhiiri gelinta ka imaanaysa taagerayaasheena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay layliyaha xulka 20jirada Salaad Faarax Xasan.

Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaheena waxaana ciyaartan daawanayay Wasiirka ciyaaraha dowlada #Khadiija Maxamed Diiriye,gudoomiye ku xigeynka 1aad xiriirka kubbadda cagta #Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),gudoomiye ku xigeynka 2aad X.K.Cagta #Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed,gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir X Wiish Hagi Yabarow, gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti #Suleymaan Xasan Waaberi iyo mas’uuliyeen kale.

Dhamaadka bishan December ayaa laga yabaa in xulka Jabuuti ay caasimada u yimaadaan ciyaar saaxiibtinimo waa arin u wanaagsan isboortiga dalka sida ay qabaan bahda ciyaaraha gudaha.
Maxamed Xuseen Qalinle