U bood dhigaalka

Natiijo-Xulkeena Oo Ka Badiyay Ethiopia Is Reeb Reebka Tartanka Olimikada Aduunka

Sheeko:Cayaaraha

Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Soomaaliya iyo Ethopia ayaa Kulankii labaad ee is reeb reebka ciyaaraha olomikada kuwada dheelay garoonka AL-Haji Guulleed ee magaalada Jabuuti

Taageeryaasha xulkeena kuma faraxsaneen ka hor kulanka maadaam ciyaartii kowaad ay wiilasheena guul daro 4-0 kala soo kulmey dhigooda Ethopia ciyaar ka dhacday  caasimadooda Addis Abba

Kulanka oo ku bilaawday dar daro xoogan ayna soo daawasho tageyn taageerayaal badan oo dhiiri gelinayay xirfadlayaasha qarankeena ayaa gool ku laad toos ama (Free Kick) waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mid kooxdii kubbadda cagta qurbajoogta ee magaalada Muqdisho soo gaartay 17-October kuna sugneyd ilaa 30-October

“Waxa ay inoo tahay sharaf iyo guul in xidiga aan anaga keenay dalka uu maanta qaranka gool u dhaliyo safaradeena kale ee sanadaha soo aadan waxaan rajaynaynaa guul iyo horomar” waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinkii kooxda qurbajoogta

Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka labada dal waxa ay soo bandhigey ciyaar ku dheehan xirfad,balse natiijada ayaa noqotay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha dalkeena Soomaaliya

“Ma aanan filanaynin in gaarayo heerkan waxaa ku mahadsan cid walbo oo kaalin ka qaadatay in aan qaranka dalkayga gool u dhaliyo anigoo aan ugu imaaday in aan matalo wadanka Norway ma iloobidoono kolkii aan xertay maaliyada xulkayga waana ka sheekeendoonaan waligayga”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Feysal Xasan Axmed oo ahaa dhaliyihii guul ay ku badiyeen xidigaha 23-jirada kana mid ahaa kooxda qurbaha

Dhawaan filo warbixino dheeri ah iyo sawiradda ciyaarta