U bood dhigaalka

Netanyahu: Aqbalaadda Falastiiniyiinta Ee Arrinta Qudus Waxaa Ay Soo Dedejin Kartaa Nabad

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada.

Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin.

Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka.

Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin.

Goobjoog News