U bood dhigaalka

Netanyahu: Iran Waxay Qalqal-gelineysaa Adduunka

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa weerar kulul ku qaaday Iran, isaga oo ku tilmaamay in aduunka ay qalqal-gelineyso.

Hadalkani ayuu ra’iisulwasaaruhu ka sheegay kalimad uu ka jeediyey shirka amniga ee ka socda magaalada  Munich ee dalka Jarmalka, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in Israel aysan u oggolaaneynin maamulka Iran in xariga argigixisada ay u galiso qoorta. Netanyahu ayaa sidoo kale weeraray wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif iyo ergeyga Iran ku metalayey shirka.

Netanyahu ayaa gacanta ku heystay marka uu hadalka ka jeedinayey shirka qeyb ka mida burburkii diyaaraddii Israel looga soo riday gudaha Suuriya isga oo markaasi wax ka weydiinaya wasiirka arrimaha dibadda Iran.

Goobjoog News