U bood dhigaalka

Nicholas Haysom Oo Bedelaya Michael Keating

Sheeko:Caalamka

Nicholas Haysom oo ah nin u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa noqon doona ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya sidoo kale waxaa uu noqon doonaa Madaxa Xafiiska (UNSOM) isaga oo badalaya ergeygii hore ee Michael Keating.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres ayaa shalay oo arbaco aheyd Magacaabay Haysom, kaasi oo la wareegi doono jagada cusub waxaa uuna noqonayaa ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaa uuna ahaa ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsanaa Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.

Haysom waxaa uu ahaa qareen Caalami ah waxuuna muddo dheer ka shaqeynayay Dimuqaraadiyadda, hagaajinta dastuurka iyo doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo howlaha nabadgelyada, waxaa uu noqday 2014-2016 ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsanaa Afghanistan sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay 2005-2009 xafiiska qaramada Midoobay ee Ciraaq.

Ka hor inta uusan shaqada ka helin qaramada Midoobay Haysom waxaa uu ahaa la taliyaha dastuurka ee Madaxweyne Nelson Mandela, sidoo kale waxaa uu gacan ka geystay howlaha nabadda ee wadanka Koonfurta Suudaan intii u dhaxeysay 2002-2005.

Haysom waxaa uu badalayaa Keating kaasi oo shaqadiisa ay ku egtahay 1 October, halka uu isna xafiiska la wareegi doono bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka.

Haysom waxuu noqonyaa Mas’uulka qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa uuna ku soo aadayaa xilli uu dalka u diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka sanadka 2020-ka, halka ka horna labo Maamul goboleed ay ka dhaceyso doorasho Madaxweyne.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in bisha November ee sanadkan ay ka dhacdo doorshada Madaxweyne ee Maamulkaasi, halka Puntaland iyadana bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha .

Goobjoog News