U bood dhigaalka

Nicholas Kay “Golaha Amniga Waxay Gaareen Qaraar ah In Aanan Mudada La Kororsan Karin”

Sheeko:Dalka

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa shirka hiigsiga cusub ee maanta ka furmey Muqdisho ka sheegey in marka la gaaro 2016-ka aanan la aqbali doonin muddo kororsi.

“Shalay oo kaliya kulan ay yeesheen golaha amniga ayaa waxaa lagu ansixiyey qaraar dhigaya in aysan jirin wax dib u dhac ah ama muddo kororsi ah ee golaha fulinta iyo sharci dajinta marka la gaaro xiliga uu waqtiga ka dhacayo” ayuu yiri ergeyga.

Balse waxa kale oo uu sheegey in qiimeyn iyo daraasad uu sameeyey xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobey in ay ogaadeen in xaaladaha dalka ka jira aysan u habooneyn in la qabto doorasho uu qof kasta codkiisa dhiibanayo.

Dhinaca kale Kay waxa uu walwal ka muujiyey kasoo qeybgal la’aanta hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isagoo ka yiri “Waxaan fileyney in ay shirkani nagala qeybgalaan dhamaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada , balse taasi ma dhicin, waana arrin niyad jab ah, inkasta oo dadaal badan loo galay in lagu qanciyo in ay kasoo qeybgalaan, waxayna maqnaanshahooda muujinaysaa baahida loo qabo in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo helo Soomaaliya dhidibo adag ku taagan, mideysan oo horumartay”.

Waxa kale oo uu ka hadlay horumarka illaa hadda la gaaray, balse waxa uu qirey in ay jiraan waxyaabo badan oo wali u baahan in wax laga qabto.

Goobjoog News