U bood dhigaalka

Nicholas Key Oo Soo Dhaweeyay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Iyo Ku Xigeenadiisa

Sheeko:Dalka

Ergyga gaarka ee Xogheyaha guud Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Key ayaa soo dhaweeyey doorashada afhayeenka baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Nicholas Key waxaa uu u hambalyeeyay Mr. Cali Gacal Casir afhayeenka cusub ee Baarlamaanka galmudug.

“Waxaa amaanayaa Mr. Abdirahman Mohamed Husen, wasiirka arimaha gudaha, gudiga farsamada iyo Baarlamaanka Galmudug sida habsamida leh ay u dhacday doorashada Afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa”

“Baarlamaan goboleedkan waxaa horyaala howlo culus sida doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaa ugu baaqayaa in arintaas u dhacdo si hufan iyo in la dhameystiro dhismaha maamulka”

Nicholas Key waxaa uu u hambalyeeyay Mr. Casir  iyo ku xigeenadiisa kala ah Mr.Hared Ali Hared and Mr. Mohamed Sheikh Ahmed Ma’alin.

Ugu dambeyn waxa uu Kay sheegay in la filayo sida ku cad jadwalka in madaxweynaha Galmudug la doorto 4-ta bisha soo socota, waxaana uu hoosta ka xariiqay in UNSOM ay ka go’an tahay taageerada maamulada dhismaya.

Goobjoog News