U bood dhigaalka

Nicolas Key Oo Ka Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Uu La Qaatay Madaxda Dowlada Soomaaliya

Sheeko:Dalka
  1. Muqdisho, 16 November 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) Nicholas Kay Ayaa La Kulmay Madaxda

Soomaaliyeed 16-ka November 2014.

Waxaa shirka ku wehliyay Danjiraha Denmark Geert Aagaard Andersen, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub (EU) u Qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Danjiraha Talyaaniga Fabrizio Marcelli, Danjiraha Sweden Mikael Lindvall iyo Danjiraha Boqortooyada Midowday (UK) Neil Wigan ayagoo shirar la qaatay Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha MudaneCabdiweli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane
Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxay ka wada hadleen xasaradaha siyaasadeed ee taagan waxayna ku boorriyeen madaxda inay xal u helaan arrinta, xalkaas oo u ogolaanayo Dowladda Federaalka inay taabbageliso qorshaha Aragtida 2016 kaas oo loogu talo galay in isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya uu qabsoomo xilliga loogu talo galay. Shirarkooda ayaa dhacay ayada oo Dowladda Federaalka iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay isku diyaarinayaan Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare (HLPF) tii ugu Horreysay ee Heer Wasiir ah taas oo ka dhici doonta Copenhagen 19ka iyo
20ka November.

“Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare waxay noqon doontaa fursad muhiim ah oo lagu qiimeeyo horumarka la sameeyay laguna qorsheeyo tallaabooyinka xiga ee xagga hirgelinta Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub. Heshiisku wuxuu kulminayaa waxyaabaha mudnaanta u leh dalka kuwaa oo ay isku af-garteen dadka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

Wax badan ayaa la xaqiijiyay, gaar ahaan ayada oo loo maray dadaalka qorsheysan ee wadajirka u sameeysay Dowladda Federaalka. Laakiin weli waxaa jiro caqabado muuqdo. Xasaradaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya waxay khatar dhab ah ku yihiin in la sameeyo horumar dheeraad ah.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada inay si degdeg ah xal ugu helaan kala duwanaanshohooda si howlaha nabadaynta iyo dowlad-dhisidda ay dib ugu billowdaan oo loo dar-dar geliyo.” ayuu yiri SRSG Kay.
Dhamaad