U bood dhigaalka

Nidaamka Maxkamadda Wareegta oo Markii Ugu Horreysay ka Hirgalaya Somaliland

Sheeko:Dalka

Kulan ay iskugu yimaaddeen illaa 35 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha maxkamadaha wareegta, loogana hadlayay nidaamka cadaalad daadajinta, ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa iyadoo kulankana ay soo agaasintay wasaaradda cadaaladda Somaliland.

Maxkamadda  wareegta  ayaa ah mashruuc shantii sanno ee ugu dambeysay tobobarkiisu ka  socday Somaliland,  kaasi oo ujeedkiisu yahay in shaqaale ka tirsan bahda garsoorka gaar ahaan maxkamadaha  ay tagaan deegaanada kala duwan ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn si waxii dacwado ah ee halkaasi ka jira u dhagaystaan xukunna uga gaaraan.

Kulankan oo a y soo agaasintay wasaaradda cadaaladda Somaliland waxaa goobjoog ka ahaa  shaqaalahan cadaalad daadajinta ku shaqayn doona , bahda garsoorka  oo  guddoomiyaha maxakamada sare  iyo xeer ilaaliyaha guudna ka mid yihiin iyo SirKey  oo ah sarkaal ka socday  hayadda UNDP oo iyadu bixinaysa lacagta mashruucan  iyo shaqaalaha aqoonta sharciga maxkamaduhu mudda shanta sano ah u soo socday ee hadda ku hawl geli doona.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland  Axmed Xasan Aadan  oo kulankan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in  ujeedka koobaad yahay in dadka cadaaladu wada gaarto; ”maxakamadaha wareegaya waxay fulin doonaan sidii cadaaladu u wada gaari lahayd bulshada Somaliland  , oo qofkastaana u aamini lahaa cadaaladda , ta kale iyana waxa muhiim ah oo ay buuxin doonaan maxakamadaha noocan  ahi in la helo markhaatiyo ah waxa ugu badan ee dhibtu naga qabsato markaan dacwadaha qaadayno, haddase dadka meeshooda ayaa loogu tagayaa” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud .

Guddoomiyaha maxakamada sare oo sidoo kale ah guddoomiyaha bahda garsoorka Somaliland waxa uu sheegay in ay nidaamka noocan  ahi uu soo kordhin karo in dadku ay ka maarmaan inay dacwadahooda magaalooyinka waaweyn uun ay la iman karaan waxaanu yiri isaga oo sharaxaya qaabka ay dadka u saacidi karaan maxakamada guur-guura, ” Maxakamadii sare  tii racfaanka, kuwii gobolka dhammaantood waxay ku yaallaan caasimada  Hargeysa ama magaalo madaxda  gobollada, balse hadda dadku waxay helayaan in meeshooda loogo tago sharcigana loogu  sharcigana loogu geeyo”.

35 shaqaale ayaa bisha sagaalaad ee sannadkan bilaabaya shaqada garsoor, waxayna noqonaysaa markii koowaad ee nidaamka maxakamadaha ee noocan ah laga hirgeliyo Somaliland, iyada oo ay soo noqnoqoto cabashooyin dadka shacabka ahi ka sheegtaan  habka dacwadaha loogu qaado maxakamadaha Somaliland, gaar ahaan dacwadaha qaarkood oo sannado badna socda.

Bishii shanaad ee sannadkan ayaa  madaxweyne Siilaanyo shir uu la yeeshay bahda garsoorka uu ku sheegay in dib loo fiirin doono nidaamka garsoorka oo uu shaqo gaabis ku eedeeyey.

Goobjoog News