U bood dhigaalka

Niger: 13 Askari Oo Ku Dhimatay Weerar Lagu Qaaday Xero Ciidan

Sheeko:Dalka

Waxaa kor u kacay isku geynta waxyeellada uu geystay weerar lala beegsaday xarun ciidan oo ku taallo waqooyi galbeed ee Niger waxayna sheegayaan ilo dhanka amniga ah inay dhimashadu gaartay 12 qof.

Waxaa geeriyooday ciidamo ku jiray xarunta Gendarmerie oo ku taallo koofur galbeed ee dalka Niger, waxayna u dhowdahay meesha ciidamada lagu weeraray xaduudka kala qeybiya Niger iyo Mali waana goob inta badan goobjoog u ah weerarada ay soo qaadaan kooxaha hubeysan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaadhigga Niger ayaa shegay in dhimashada ay korortay waxaa uu tilmaamay inay gaartay 13.

Weerarkaan ayaa waxaa uu dhacay markii kooxo hubeysan ay beegsadeen xarunta Gendarmerie taasi oo 200 KM u jirta magaalo madaxda Niger ee Niamey.

Afartii bishaan ayey aheyd markii ciidamo Mareykan ah oo roondo sameynaayey ay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen isla goobtaan,waxaana ku dhintay weerarkaas afar askari oo mareykan ah iyo afar kale oo ka tirsan ciidamada Niger iyaga oo howlgal wada jir ah sameynaayey .

Goobjoog News