U bood dhigaalka

Nigeria: 100 Kun Oo Qof Ayaa Geeriyootey 7-sano Gudahood

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Borno State ee waqooyi bari ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 100-kun oo qof ugu yaraan lagu dilay intii  ay dalgaalada ay kawadeen kooxda Boko Haraam waddanka Nigeria.

Sidoo kale waxa uu sheegay dagaaladii isir sooca oo ka dhacay waddanka Koonfur Africa in lagu dilay 21 kun oo qof intii lagu guda jiray sanadihii 1948_1994, waxayna kooxda Boko Haraam ay sabab u noqotay inay dhintaan dad gaaraya 100 kun oo qof oo ubadan haween caruur iyo duqow intii ay dagaalada ka wadeen waddankaas oo dhan 7 sano.

Guddoomiyaha waxa uu xusay sidoo kale in ku dhawaad 2.1 malyan oo qof inay barakaceen intii uu dhibka ka jiray Najeria waxayna keentay arrintaasi inay dhintaan 55 kun oo haween ah nimankooda .

Waxaa la sheegay in Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF inay ka digtay bishii December ee tagtay in ku dhawaad halmalyan iyo bar caruur ah oo Nigeran ah ay wajahayaan gaajo kuwaas oo ku nool waqooyi bari ee dalkaasi.

Kooxda Boko Haraam ayaa heshiis waxay la gashay ururka Daacish ,waxaana la aasaasay kooxdaan bishii Janaayo sanadkii 2002dii ,waxayna doonaysaa inay shareecada Islaamka ay ka hirgaliso dhamaan gobolada waddanka Nigeria , waxayna ku badantahy waqooyi bari ee dalka.