U bood dhigaalka

Nigeria: 11 Ka Mid Ah Ciidamada Oo Weerar Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Ugu Yaraan 11 ka mid ah askarta Nigeria ayaa la dilay, ka dib marki weerar lagula beegsaday waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa caddeeyay in 11 ka mid ah askarta la dilay 9 qof oo rayidana ay waxyeello soo gaartay, ka dib markii  weerar hubeysan lala beegsaday xerada ciidamada qalabka sida ee ku sugan tuulooyinka Tola iyo Maganda

Ciidamada Nigeria ayaa horraantii todobaadkan waxaa ay howgal ku dileen mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha burcadda, falkan cusub ayaa lala leeyahay waa aargudasho.

Goobjoog News