U bood dhigaalka

Nigeria Oo Lagu Dilay 13 Ka Tirsan Boko Haram

Sheeko:Dalka

Ciidanka Nigeria ayaa shegay in ay dileen 13 ka mid ah kooxda Boko Haraam, ka dib ciidamada markii ay hawlgallo ay ka fuliyeen labo gobol oo ku yaallo waqooyi bari ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Nigeria oo lagu magacaabo Saani Cusmaan, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka  hawlgallo ay ka fuliyeen gobollada Borno iyo Aadamato eek u yaallo waqooyi bari ay Nigeria ku dileen 13 ka mid ah kooxaha Boko Haram.

Cusamaan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tilmaamay in dhakooda ay ka dhinteen labo askari ka dib markii miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari ay saarnaayeen ciidamadaan.

Kooxda Boko Haram ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 2002 dii, waxayna doonayaan in ka hirgaliyaan Nigeria ku dhaqanka shareecada islaamka.

Bishii Marso,2015 ayaa kooxda waxay ku dhawaaqday in ay ku biiratay kooxda Daacish.

Goobjoog News