U bood dhigaalka

Nikolas Kay oo cambaareeyey dilkii xildhibaan Madeer

Sheeko:War

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qarammada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa cambaareeyey dilkii xildhibaan Sheekh Madeer maanta loogu geystay magaalada Muqdisho.

Kay ayaa dilka xildhibaanka ku tilmaamay tallaabo waxashnimo ah oo lagu wax yeeleynayo ummadda soomaaliyeed, wuxuuna cambaareeyey weerarrada lala eeganayo xildhibaannada ee ka socda Muqdisho.

Nikolas Kay ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo lagu soo afjarayo ugaarsiga xildhibaannada.

Ergeyga ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee, marxuum Sheekh Aadan Madeer oo kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka oo maanta lagu dilay degmada Xamarweyne ee gobokla Banaadir.