U bood dhigaalka

Nin Ajnabi ah Oo Lagu Dilay Magalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee dowlad gobaleedjka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi goordhow lagu dilay Nin u dhashay dalka Kenya.

Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka Shaqeynayay shirkad Kaluumeysi,isla markaana dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo xoogaa khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilka Ninka u dhashay dalka Kenya , isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday.

Goobjoog News