U bood dhigaalka

MUUQAAL: Nin Aragga La Oo Noloshiisa Ku Maareeya Biyo Uu Dhaamiyo

Sheeko:Dalka

Isagoo 5 sano jir ah ayuu aragga belay Maxamed Adan Canjeex, kadib markii uu dameer ka haraantiyey wejiga isaga oo ah wiil yar oo nolosha duniadani u cusubtahay,

Indhoolanimadii uu dhaxlay isaga oo aad u yar kama joojin in uu nolshiisa sii wato isaga oo xooggiisa ku shaqeynaya, meelna iska dhigay in uu caawimaad ka helo dad isaga la  da ah oo aan dheereen waxaba arraga mooyee.

Maxamed Aadan mursal canjeex marka laga reebo sanado yar oo uu aabihiis oo beeraaley ah caawinayey kadib waxa uu soo galay magaladda Muqdisho muddo iminka laga joogo 40 sano.

Afartankaas Sanno waxa uu noloshiisa kadabari jiray ceelbiyood ku yaalla degmadda xamarweyne ee gobolkan banaadir. Isaga oo gacmahiisa ku dhaamiya biyaha ceelna wadaan biyaha kaga soo saara.

“Subaxii waxaan kacaa 2-saac camal, dadka biyo la’aanta ku baryey ayaan biyo siiyaa, waan iska soo noqdaa, maalinta meelaha ayaan iska wareegaa, marka qof ii soo qeyliyo ayaan u tagaa”

Waxa uu dhalay sadex carruur  ah dhammaantoodna waxaa ay ka geeriyoodeen waxa uuna aaminsanyahay in noloshiisa in uu la tacaalo uu ka adagyahay rajo wanaagsana uu ka qabo in uu hello nolosha oo iminka ku jiro mid u dhaanta.

“Qofka bini’aadamka niyadda ayuu ka dhisan yahay, aniga masjidka ayaan aadaa, haddii aad maanta magacaaba ii sheegto maalin kale hebel ayaan ku leeyahay”

Dadka macaamiisha u ah canjeex waxa ay ku tilmaamayaan in uu yahay nin xoog furan oo subax kasta gurriga ugu yimaada si uu u weydiiyo in biyo ay u baahan yihiin iyo in kale.

Canjeex waxa u muuqata in ay siiyaraanayaan macaamiisa maaama magalada muqdisho guud ahaan gaar ahaan degmadda xamarweyne ay ka sii tageyso  nidaamka biyo gacan ku aroorka oo guryaha biyo lagashanayo.

Maxamed canjeex ayaa tusaalle wanaagsan u ah dadka baahiyaha gaarka ah  qaba  ee u holaday in ay waxqabsadaan  kuwaas oo ammaan ka muday dadka ay lanoolyihiin.

Halkaan hoose ka daawo warbixinta

Axmed Weli Xuseen (Tifaftiraha Goobjoog Fm)

Goobjoog News