Muqdisho: Nin Askari  Ah Oo Dilay Qof Rayid Ah

Qof rayid ah ayaa ku dhintay goordhaw isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho kadib markii uu xabado furay nin ka tirsan ciidamada dowladda.

Askariga wax dilay ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu horay ula murmay haween goobta ku ganacsata iyo dad kale.

Cabdoo oo ah ninka la dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa kuwa gawaarida ka rara agagaarka isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho.

Askariga wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW