U bood dhigaalka

Nin Degmada Kaxda Ku Kufsaday Gabar 12 Sano Jir Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ayaa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxay ku qabteen nin la sheegay inuu kufsaday gabar 12-sano jir ah, kana mid ahayd barakacayaal ku nool Kaam halkaasi ku yaalla.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda ninkaan baaritaan lagu wado, islamarkaana cadaaladda la marsiin doono.

Wuxuu sheegay in gabadha oo la kufsaday habeenkii xalay ahaa ay geeyeen xarun caafimaad, islamarkaana hadda ay amni ahaan iyaga ay gacanta ku hayaan.

“Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay ninkaan oo xalay xilli dambe kufsi kula dhaqaaqay gabar da’deeda naloogu sheegay 12-sano jir, gabadha aad bay u xanuunsaneyd, waxan geynnay dhaqtar dawooyin baa lasoo siiyey, ninkaasi waxaa loo gudbin doonaa maxkamad oo cadaaladda ayaa la marinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Qeybo kamid ah dalka waxaa maalmahan dambe kusoo badanaya kiisaska la xiriira Kufsiga, iyadoo Sabtidii shalay ahayd uu maamulka Gaalkacyo sheegay iney gacanta ku dhigeen 5 nin oo ku eedeysnaa iney kufsadeen gabar 15 sano jir ah.

Goobjoog News