U bood dhigaalka

Nin Doonayey Inuu Dilo Donald Trump Oo Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Maraykanka ayaa xabsiga dhigay nin la sheegay in uu doonayey inuu dilo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi Donald Trump xilli uu khudbad u jeedinayey taageerayaashiisa.

Ninkaan oo lagu magacaabo Michael Sandford ayaa la sheegay in uu isku dayey inuu qori ka dafo mid ka mid ah ilaalada Trump balse ay taasi u suurta geli weysay.

Ninkaan oo ah 20 sano jir ayaa u dhashay dalka Britten, waxaana baarayaasha ninkani ay maxkamadda ka hor sheegeen inuu qirtay inuu dili lahaa Donald Trump balse eedeysanaha dambigaasi maxkamadda kama aanu hor qiran.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda loo haysto Michael Sandford dib u dhigtay, waxaana jira warar sheegaya in shaqsigan shaqo la’aan yahay, sidoo kale madaxa looga jiro uuna ka dhacay dal ku joogii Maraykanka.

Goobjoog News