U bood dhigaalka

Nin Ganacsade ah Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka, War
Nin ganacsada ah ayaa lagu dilay galinkii danbe ee maanta  goob ganacsi oo uu ku la haa is goyska X Koontarlool  Afgooye ee duleedka magaalada caasimadda Muqadisho.
Dilka ayaa waxaa wararku ay sheegayaan iney fuliyeen laba nin oo  ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogtay ninka ganacsadaha ah oo ku sugnaa goobtiisa Ganacsi,.

 

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka oo ka sameeyay baaritaan aanu jirin wax ka soo naaso cadaaday ama lagu soo qabtay raggii dilka u geeystay ninka ganacsada ah.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa sheegay in wiilkooda ay dishay gacan ka xaq daran, islamarkaana loo baahan yahay in dabagal lagu sameeyo.

Dhanka kale meel ku dhaw Ex-control Afgooye ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino, oo aan geysan wax khasaare ah, maadaama uu qaraxa dhacay markii uu gudbay gaariga bartilmaameedka ahaa oo halkaasi maray.

Goobjoog News