U bood dhigaalka

Nin Guddoomiye Gobol Ka Ahaa Soomaaliya Oo Aqbalaad ka Helay Canada.

Sheeko:Dalka

Guddoomiye gobol kaasoo noloshiisa kala cararay Soomaaliya ayaa magan-gelyo qoxootinnimo ka helay dalka Canada. “Waxaan u riyaaqay dowladda Canada iyo fursadda la i siiyey,” ayuu yiri Nuur Axmed Xasan isagoo laga turjumayey.

“Aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu Xasan yiri kaasoo ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Soomaaliya bishii September 2017 halisna ugu jiray Xarrakada Alshabaab iyo kooxo mucaarad ah.

Kaddib markii uu ka badbaaday dagaallo sokeeye iyo weerarro argagixiso oo uu ka mid ahaa weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee bishii October 2017 ka dhacay Isgoyska Sooppe kuna dhinteen dad gaaraya 600. Qatartii ugu weyneyd ee noloshiisa waxay ahayd markii loo magacaabay inuu hoggaamiyo mid ka mid ah 18ka gobol ee dalka Soomaaliya.

Xasan wuxuu bartilmaameed u noqday xarrakada Alshabaab oo isku-ddayeysa inay qabsato dalka oo kala hor-tagto mucaarad hubeysan. Isniintii Xasan wuxuu sheegay inaysan la yaab ku noqon in loo aqoonsado qoxooti la aqoonsan yahay.

“Waxaan filayey in la i aqbalo maxaayeelay waxaa jiray caddeymo badan oo aan haystay” ayuu yiri Xasan oo ah 47 jir.

Wuxuu haystay Linkyo ay saxaafaddu ku wareysatay xilligii uu ahaa guddoomiyaha gobol ka mid ah Soomaaliya iyo warar ku saabsan waxa ku dhacay guddoomiyihii uu beddelay. Xasan waxaa qabsaday oo garaacay kooxo Malleeshiyaad ah ka hor intii uusan Canada ka codsan qaxootinnimo kaddib markii uu ka qeybgalay shir ka dhacayey Las Vegas.

“Markii aad tahay guddoomiye gobol sida ninkaan oo kale, waxaad ku jirtaa qatar,” ayuu yiri Winnipeg oo ah qareen laanta socdaalka ah oo lagu magacaabo Bashir Khan, kaasoo u doodayey Xasan sidii uu ku heli lahaa magangelyo.

“Heshiiskii qoxootiga ee sannadkii 1951dii waxaa ku qoran in guddoomiyaasha gobollada sida ninkaan oo kale oo raadinaya aqbalaad  la soo dhaweeyo , Khan wuxuu yiri. “ Alshabaab waxay weeraraan qof kasta oo dalka wax ka beddeli lahaa. Shaqadoodu waa inay xasilloonida u diidaan gobollada Soomaaliya.”

Xasan wuxuu sheegay inuu qorsheynayo barashada luuqadda Ingiriiska islamarkaana uu codsan doono deggaansho rasmi ah isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisa kuwaasoo jooga meel aan la shaacin oo Soomaaliya ka mid ah si ay ula midoobaan.

“Aad ayey u faraxsan yihiin warkii qoyskeygu maqlay Isniintii, Tani waa rajadii ay sugayeen.” ayuu yiri Xasan.