U bood dhigaalka

Nin Hubeysan Oo Labo Qof Ku Diley Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in lagu dilay labo nin halka lagu dhaawacay afar qof oo kale oo dhammaantood ah dad shacab ah.

Nin hubeysan ayaa falkani ka geystay maanta gudaha magaaladaasi kadib markii ninkani hubeysan uu rasaas ku furay dad shacab ah oo fadhiyay xeradii hore ee ciidanka daraawiishta ee bartamaha magaalada Baladweyne.

Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa sheegaya in dhacdadani ay la xiriirto aano qabiil oo muddooyinkaan dambe ka taagnayd magaaladaasi iyo dhulka baadiyaha ah ee Baladweyne ku teedsan.

Agaasimaha Isbitaalka Baladweyne Axmed Maxamed Khaliif ayaa Goobjoog News u sheegay in afar ruux oo dhaawac ah la soo gaarsiiyay Isbitaalka.

Wuxuu sheegay in dhaawacyada mid kamid ah uu yahay halis islamarkaana xabadda ay kaga dhacday dhanka madaxa welina ay ku dabiibayaan gudaha Isbitaalka Baladweyne.

Ninka hubeysan ee falkani ka geystay magaalada Baladweyne ayaa baxsaday sida la soo sheegayo.

Maamulka degmada Baladweyne ayaa weli ka hadlin arrintaan waxaana dilalkani ay salka ku hayaan aanooyin qabiil oo u dhaxeeya labo beel oo walaalo ah oo wada dega magaaladaasi.

Goobjoog News