U bood dhigaalka

Nin Muslim Ah Oo London Madax Ka Noqday, Taariikhdiisa Iyo Shaqada Laga Sugayo

Sheeko:Dalka, War

Waxaa Duqa Magaalada London loo doortay Saadiq Khan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha isagoo ka guuleystay  Zac Goldsmith oo u tartamayey xisbiga Talada haya.

Saadiq Khan oo 45 jir ah waxaa uu helay 1.3 Milyan oo Codad ah, waxaa uuna Lonodon iyo guud ahaan Uk  ka dhigay Taariikh cusub taas oo laga sheekeyn doono muddo dheer.

Mudane Sadiq waxaa uu reer London uga Mahadceliyay kalsoonida ay siiyeen isagoo sidoo kale sheegay in Rajada ay ka adkaatay Cabsida, Ballanna ku qaaday in guddoomiye u noqon doono dhamaan dadka London degan ama ku nool.

Khan waxaa uu bedelayaa Boris Johnson oo ka tirsan Conservative-ka kaas oo madax ka ahaa muddo 8 sano ah Magaalo ay ku noolyihiin ilaa 8.6 million.

Saadiq Khan waxaa uu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo Muslim ah oo madax ka noqda Caasimadda Ingiriiska iyo caasimadaha reer galbeedka.

Waa Kuma Saadiq Khan:

Saadiq Khan waa Jiilka 2-aad ee Muslimiinta soo gashay dalka Ingiriiska,asal ahaan waa Pakistaan, Khan waxaa uu ku dhashay London, waxaa uu ku soo koray qoys faqiir ah, isaga, Walaashiis iyo 6 wiil oo la dhalatay waxaa ay degenaayeen guri 3 qol oo ay  siiyeen  golaha hoose ee London, aabihii waxaa uu darawl ka ahaa Bus, Hooyadiina Harqaanle, waxaa uu doorashadan uga adkaaday nin ka soo jeeda qoysk Bilyuuneerro ah.

Khan waxaa ka soo baxay Iskuullada ku yaalla Tooting ee London, waxaa uu  Qaanuunka gaar ahaan Xuquuqul Insaanka ka bartay University of North London, isagoo Bare ka noqday Jaamacadda, waxaa uu madax ka ahaa urur u dooda shaqaalaha rayidka ah.

Dalka Ingiriiska waxaa uu ka soo noqday Baarlamaanka 2005-kii, waxaa uu sidoo kale transport minister ka noqday xukuumadii  Gordon Brown.

Saadiq Khan oo ka tartamaya Tooting oo ku taallo Koofurta London, waxaa uu ka tirsan yahay xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, waxaa u dhaxdo Haaweney lagu magacaabo Saadiya, Waxaa ay u dhashay labo gabdhood.

Maxaa Laga Sugayaa:

Guryaha: Sadiq Khan waxaa uu sheegay in uu wax ka qabanayo sidii uu guryo uga  dhisi lahaa London oo xitaa qalabeysan.

Ijaarka: Waxaa kaloo uu ka shaqeyn doonaa in la helo guryo ijaar ah oo lacagta ay dadka iska bixin karaan.

Gaadiidka Dadweynaha: Waxaa kaloo uu wax ka qaban doonaa gaadiidka dadweynaha isagoo arrintaas khibrad fiican u leh, waxaa uu dhisi doona waddooyinka Tareennada oo ay ka mid tahay Crossrail 3.

Dambiyada: Khan waxaa uu sheegay in uu wax ka qaban doono Dambiyada ka dhaca London isagoo soo howlgalin doona Booliis cusub oo shaqadoodu tahay in ay baaraan ama ka hortagaan dambiyada.

Bey’ada: Ugu dambeyntii waxaa uu balanqaaday in uu wax badan ka qaban doono deegaanka.

Goobjoog News