U bood dhigaalka

Nin Oday Ahaa Oo Maanta Lagu Diay Gudaha Suuqa Weyn Ee Bakaaraha

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay in uu Odey ahaa galinkii danbe ee maanta .

Dilka ayaa waxa  uu ka dhacay Nawaaxiga Masjid lagu magacaabo Shuhadda oo ku yaalla Cabdalla Shideeye,isla markaana waxaa

Dilka ayaa waxaa geystay Rag kU hubeysnaa Bastoolado xili halkaasi uu ku sugna, Raggii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaan kooban ayadoona aysan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay suuqa Bakaaraha.

Magaalada M.uqdisho waxaa  bisha ramadaan gudaheeda ka dhacay dhowr dil kuwaas oo loo adeegsay bastoolado, ayadoo malinimadii shalay magaalada lagu dilay laba nabadoon oo ka mid ahaa kuwii wax ka soo xulay BFS