U bood dhigaalka

Nin Odey Ah Oo isku Gowracay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow nin Oday ah uu isku dilay suqaasi.

Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Bacadlaha oo lagu iibiyo Maacuunta, ninka ayaana is dilay ka dib markii uu isku adeegsaday Tooreey sidaadsna uu isku gowracay. sida ay Goobjoog News ay ku helayso wararka ka soo gaaraya gudaha suuqaasi.

Goobjoogayaasha ayaa ku waramaya in marqura ay arkeen ninka Odayga ah oo la soo baxay Toorey uu watay ka dibna uu ku dhaqaaqay in uu tooreeyda isku gowraco, mana aanaan helin xog intaas dhaafsiisan.

Waxaan la ogeyn sababta ka dambysay inuu naftiisa gooyo ninka Odayga ah, ciidamada ammanka degmada Howlwadaag oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay sababo la xariiro waxa keenay in uu is dilo ninkaan.

Goobjoog News