U bood dhigaalka

Nin Tahriibin Jirey Soomaalida Oo Gacanta Lagu Dhigey, Lana Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee Koonfurta Sudan ayaa gacanta ku dhigey muwaadin Soomaaliyeed oo tahriibin jirey Soomaalida kale, kaasi oo ugu dambeyn laga soo dejiye garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee South Sudan Xuseen Xaaji ayaa u sheegay Goobjoog News, in nin kaan  muddo badan ay ku daba jireen Interpol, Booliiska Koonfurta Suudaan iyo sidoo kale Booliiska Soomaaliyeed, ugu dambeynna lagu guuleystay in la qabto, lana keeno magaalada Muqdisho.

Ninka dadka tahriibin jirey ee lasoo qabtay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle, waxaana sidoo kale safiirka uu sheegay in Koonfurta Suudaan lagu hayo Saddex kale oo isaga la shaqeyn jirtay, dhowaanna la keeni doono magaalada Muqdisho.

“Dedaal badan ayaa la sameeyay, waxaana lagu guuleystay in lasoo qabto C/qaadir Cumar C/lle oo dadka tahriibin jirey, isagana kala gudbin jirey Sudan, Kenya illaa Liibiya, Saddex kale oo isaga la shaqeyneysa waa ay xiran yihiin, dhowaan magaalada Muqdisho ayaa la keenayaa, sidoo kale waxaa howshaan dedaal dheer u galay Booliiska Soomaaliyeed, Interpol, iyo sidoo kale Booliiska Koonfurta Sudan” ayuu yiri Safiirka.

Waa markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho laga soo dejiyo ruux ku eedeysan inuu dadka Soomaaliyeed Tahriibin jirey, xilli la ogyahay in shacab Soomaaliyeed ay ku dhamaadeen badaha.

Goobjoog News