U bood dhigaalka

Nin Tiro Dad Isku Qoys ah Ku Rasaaseeyey Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar kale duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan weerar lagu qaaday qoys deganaa deegaanka Tabeelaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana weerarka ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Weerar ayaa waxaa geestay qof hubeysan, waxaana uu weerar xaafad ay daganaayeen reer uu gabar ka qabay sida lagu helayo wararka soo baxayo deegaanka.

Weerarka ayuu ninka wuxuu u adeegsaday qoriga  AK47 ilaa iyo 4 ruux ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen  rasaastii uu furay halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, qoyska  dhibaatadu gaartay ayaa u badnaa  iyo haween caruur sida la xusay.

Shaqsigii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii uu dilka geystay, waxaa socda dadaallo ay wadaan dadka dariska ah oo ay ugu gurmanayaan qoyska uu dhibaatada ay soo gaartay.

  Wixii ka soo kordha kala soco Goobjoog News