U bood dhigaalka

Nin Walba Dantii Waddo u Xiray!

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii ay soo if baxeen weerarada  lagu  qaado  xarumaha dowladda, goobaha dadku ay isugu yimaadaan sida hoteeladda iyo maqaayadaha waxaa isi soo tarayay xirashada wadooyinka muhiimka u ah bulshadda.

Waxaa xiran wadooyin waaweyn oo bulshadu ay aad ugu baahan tahay, kuwaas oo dhinacyada laga dhigay biro iyo dhagax amaan lagu raadinayo .

Meelaha ugu badan ee laga xiray wadooyinka ayaa soo gala goobo ay bulshadu isticmaalaan kuwaasoo inta badan ku yaala meelo muhiim ah.

Dhabarka dambe ee GoobjoogFM oo zoobe ku taalla waxaa marta waddo muhiim u ah shacabka, oo ay galaan ugu yaraan afar waddo waxa ay u xiran tahay dabaq weyn oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Inta u dhaxeysa isgoysyada zoobe iyo km4 waddooyinka dhinacyada ka mara oo qaarkood laamiga soo galaan ayaa xiran gaar ahaan wadada horta marta hoteelka samiira,

Isla wadadaas halka ay ku dhamaato oo ay kaga dhacdo wadada km4 aada waxa ay u xiran tahay laba safaarood oo kala ah Qadar iyo Turkiga xarumaha ay ku leeyiin Muqdisho.

Qeyb ka mid ah wadada km4 marta waxa ay u xiran tahay xarunta dambi baarista, sidoo hotelada Xayaat iyo Saxafi waxaa u xiran waddo muhiim ah oo aadda dhanka airport ka  magaalada Muqdisho.

Marka aan eegno wadada airport ka tagta waxaa dhinac dhan ay u xiran tahay xarunta qaramada midoobay,  hoteelka Jazeera iyo gurya kale oo aagaas ka  dhow

Wadada ka tagta guriga shaqaalaha waxaa qeybta hore ay u xiran tahay  laanta socdaalka  Soomaaliya oo hadda degen.

Wadadaas dhankeeda qorax kasoo baxa waxaa iyana laba dhinac ka xirtay hoteelka Maka Almukarama iyo guryo shaqsiyaad dowladda ka tirsan ay leeyihiin

Wadada ka tagta isgoyska banaadir ee hor marta xarunta villa Baydhaba

Wadada Makka Al Mukkarama oo hal bowle u ah magaalada Muqdisho  ayaa inta badan loo xiraa baarlamanka Soomaaliya xiliga uu kulamada leeyahay taas oo ka dhigan haddiiba baarlamaanku shaqaynayo wadadu way xirnaanaysaa.

Waddooyinka dhowr sano xiran waxaa ka md ah wadada ka timaada buundada labaad ee hor marta xarunta Oto Oto, wadada ka tagta madaxtooyada ee hor marta wasaaradda warfaafinta, wadada hor marta xarunta nabad sugidda ee dhabarka dambe ee radio Muqdisho.

Wadada ka tagta Tiyaatarka ee marta dhabarka dambe ee madaxtooyada, wadada ka timaadda isgoyska Boondheere ee gasha madaxtooyada, wadada marta is goyska Fiyaad, wadada ka tagta dekedda magaalada Muqdisho ee hormarta xabsiga dhexe wadada hor marta xabsiga Godka Jilacoow.

Waxaa xiran sidoo kale wadada ka tagta  hotelka Jubba ee marta  illaa Mariino wadadaas oo uu ku yaallo taliska qeybta bartamaha ee ciidanka booliska.

Dhagaxda lagu dhoobay dhinacyada guryaha iyo waddooyink ayaa inta badan dadku uga gol leeyihiin in ay ka hor tagaan falalka amniga lidiga ku ah.

Inkastoo ay jiraan waddooyin kaloo xiran haddana aanan xusin waxaa maalmihii dambe kusoo biiray wada xirashadii kuwa hor leh oo ay ka mid tahay wadada caga dhiig ee ka baxda madaxtooyada Soomaaliya.

Dadka qaar ee magaalada ku nool ee waaya jooga u ahaa dowladnimadii Soomaaliya ayaa u arka in arrintan ay tahay mid aan waxba ku soo kordhinayn ilaalinta ammaanka

Cismaan Maxamed Caafimaad ayaa u arka dhagaxda dadka looga xirayo waddooyinka mid lagu cuuryaaminayo horumarka bulshada.

Dhamaan waddooyinka xiran ayaa muhiim u ah bulshada waxaanan u kala qaadaynaa siyaabaha kala duwan ee ay u saameeyeen dhinacyada isku socodka dadka, Ganacsiga, Farqiga  amaanka.

waxaa inta badan waddooyinka magaalada ugu waaweyn ay yihiin kuwa loo xiro marka ay mas’uuliyiin imaanayaan  ama ay baxayaan  iyo xiliyada ay jiraan kulamada baarlamaanka oo wadada Makka Al mukarama loo xiro.

Dadka magaalada ayaa subixii u kala baxa shaqooyinka iyo waxbarashada waxaana inta badan marka ay waddooyinku xiran yihiin maraan waddooyin qarda jeex ah

Waxaa jira dad xanuunsan haween umulaya oo la geeyo cusbitaalada kuwaas oo ay saamayn ku yeelato waddooyinka la xirtay

Dhanka Ganacsiga oo ah meelaha ugu horeeya ee dhaqaalaha uu kasoo galo shacabka ayaa saameyn wayn waxa ku yeesha xirnaanshaha waddooyinka .

Qaar ka mid ah dadkaas oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in shacabku  uusan dow u lahayn in dhagaxdaan uu ka qaado waddooyinka magaalada dowladuna ay iyadu qeyb ka tahay in waddooyinka shacabka laga xiro, inkastoo kuwa ka mid ah ay leeyihiin amaanka ayaa ka muhiimsan waddooyinka xiran.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo qeyb ka ah dadka waddooyinku u xiran yihiin ayaan la wadaagnay sida arintan xal loogu heli karo

Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud ayaa Goobjoog u sheegay in xirista waddooyinku ay fududeeyaan qaraxyada magaalada ka dhaca, isla markaana ay dhuntay sumacadda caasimada aaminis la’aan ciidanka qalabka sida iyo sii bogaadinta qaraxyada dhaca.

Xildhibaanka ayaa ku sheegay xirashada waddooyinka mid lagu caburinaayo jiritaanka dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa qaba in wixii amni ku saabsan aysan dhib keeneyn haseyeeshee loo baahan yahay wada shaqaynta shacabka iyo dowladda

Ururada bulshada rayidka  ayaa u arka xirista waddooyinka mid iska hor keenaysa dadka iyo dowladda.

C/laahi Maxamed Shirwac guddoomiyaha ururada aan dowliga ahayn ee Soshensa ayaa GoobjoogFM u sheegay in shacabka lagu dhibay jidadka xir xiran daryeel la’aanta ciidanka qalabka sidana ay qeyb ka qaadanayso in falal amni darro ay dhacaan

bulshada ayuu sheegay in aysan taageeri karin mas’uuliyiin aan wax qabad lahayn, taas oo ka dhigan wada shaqayn la’aan dowladda iyo shacabka.

W/D:- Leyla Cabdi Maxamed

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News