U bood dhigaalka

Nin Xaaskiisa oo Xaamilo ah Ku Dilay Hargaysa

Sheeko:Amniga

Nin ayaa waxaa uu xaaskiisa oo xaamilo ah uu ku dilay gudaha magaalada Hargeyso ee xarunta Somaliland, waxaana warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan sida  dilka uu u dhacay iyo sababta ka dambaysay inuu dilo.

Allah unaxariistee marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Muxumed Cabdi, waxaana ay deganaayeen xaafadda Calamada ee degmada Maxamuud Heybe, waxaana dilka uu adeegsaday Toorey uu watay.

Dhacdadaan ayaa dadka xaafadda waxaa ay ku abuurtay argagax, marxuumadda la dilay ayaa waxaa ay aheyd hooyo haysaay 5 caruur ah, kuwaas ay dhashay Hodan, waxaana ay laheyd Uur Tobo bilood ah sida la xaqiijiyey.

Goobjoog News