U bood dhigaalka

Ninkii Ugu Dambeeyay ee Dayaxa Dushiisa Ku Socda oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Hay’adda NASA ee hawada sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inuu geeriyooday cirbixiyeenkii hore ee Eugene Cernan oo noqday cirbixiyeenkii ugu dambeeyay ee Dayax ku dul socda.

Cirbixiyeenkan ayaa geeriyooday Isniintii shalay iyadoo da’diisu ay tahay 82 sano waxaanuu geeriyooday isagoo qoyskiisu ay hareero fadhiyaan, sida ay NASA sheegtay, iyagoon wax faahfaahin ah ka bixin sababta geeridiisa keentay.

Cernan iyo saaxiibkii Herriso Schmitt waxay ka mid ahaayeen cirbixiyeennadii ku safray “Apollo 17”, 11 ,December,1972 oo ahaa xilligii ay gaareen dayaxa dushiisana ay ku dageen, 10 ka mid ah cirbixiyeennada Mareykanka ayay u suurtogashay iney ku kor-socdaan dayaxa, wixii intaa ka dambeeyayna qof kale dayaxa kumuu kordegin.

Saddex maalmood ayay Dayaxa ku korsocdeen, 30 km ayay socdeen iyagoo watay Dayax gacmeed yar, waxayna soo gureen 100 Kg oo dhagaxaan kala duwan ah, safar cilmi baaris ah oo ay ku sameeyeen Dayaxa guudkiisa.

Cernan oo ahaa duuliye ka tirsan ciidanka badda Mareykanka ayaa waxa uu qoray xasuustiisa safarkii Dayaxa, waxa uuna ka qoray buuga uu cinwaan uga dhigay “Qofkii ugu dambeeyay ee Dayaxa ku Dul socda”, saddex maalmood oo qura ayaan isku bedelay, hadda dhulka oo qura kama tirsani ee waxaan ka tisanaha koonka oo dhan, ayuu yiri; mar uu ka hadlayay xaaladda uu ku sugnaa kadib markii uu Dayaxa ku dul dagay.

Goobjoog News