U bood dhigaalka

NISA Oo Sheegtay Iney Qabatay Nin Fulin Rabay Weerar Bam Ah

Sheeko:Amniga

Barta ay hay’adda NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu baahiyey sawirka nin la sheegay in uu doonayey fulinta weerar Bam kuwa gacanta laga tuuro ah.

NISA ayaa tilmaantay in shaqsigan oo aanay sheegin magaciisa la qabtay isaga oo aan weerarkii uu damacsanaa u fulin, shacabkana aanay waxyeello kasoo gaarin.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ma aanay sheegin halka weerarka lala damacsanaa iyo sidoo kale meesha sida rasmiga ah shaqsigan looga soo qabtay.

Goobjoog News