U bood dhigaalka

NISA: Waxaan Qabannay Labo Ka Mid Ah Amniyaadka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Hay’adda NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay iney gacanta ku dhigtay Labo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Waxa ay hay’adda sheegtay in howlgalkan ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, ayna hayeen macluumaadka raggan.

NISA ayaa si gaar ah u sheegtay in ragga ay uga tirsanaayeen amniyaadka Al-shabaab.

“Ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo ay NISA ka bixisay raggan ay soo qabatay.

Dhowr jeer sidan oo kale NISA ayaa barta Twitterka kusoo qortay iney gacanta ku dhigtey dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoog News