U bood dhigaalka

NISA: Xildhibaan Golaha Shacabka Ayaa Ku Lug Leh Shabakad Lacag Dhaqid Ah Oo La Qabtay

Sheeko:Baarlamaanka

Hey’adda sirdoonka Soomaaliya(NISA) ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay inay qabteen shabakad ku guda jirtay fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah.

Qoraal kooban oo bartooda lagu daabacay waxuu u qornaa:

“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa”. Waxaa ay intaasi ku dareen “Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka, “”Mudane ka tirsan golaha shacabka”” Ee BF.

Ugu dambeyntii, waxaa uu ku soo gabagabeeyeen “Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ay uga qaadaan talaabada ku haboon”.

Goobjoog News oo wax ka weydiisay arrinkan agaasimaga guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Adam Koofi waa uu ka gaabsaday isaga oo sheegay in amniga howshaasi u taalo, oo aaney howshoodu la xiriirin.

Goobjoog News