U bood dhigaalka

Norway OO 1,600 Qaxooti Soomaali Ah Dib U Soo Celineysa

Sheeko:Dalka

Kooxaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa dowladda Norway ku cambaareeyey go’aankeeda ah in 1,600 Soomaali ah oo magan-galyo ahaan u joogay dalkeeda ay u soo tarxiileyso  Muqdisho kadib markii ay sida ay sheegtay dalku uu nabad noqday.

Norway waxaa ay leedahay Soomaaliya hadda waa nabad oo ma jirto baahi ay qaxootiga u sii joogaan dalkeeda, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin soo baxday.

Kooxo badan oo u dooda xuquuqda qaxootiga oo ay ku jirto hey’adda Norwegian Organization for Asylum Seekers (NOAS) ayaa waxaa leeyihiin Soomaaliya weli nabad ma aha, macquulna ma aha in dowladda ay u mar-marsiyooto celinta qaxootigaasi, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga.

“Dowladda Soomaaliya ma sugi karto ammaanka dadkan, sidaasi waxaa yiri mid ka ah la-taliyeyaasha NOAS André Møkkelgjerd.

Torkil Åmland oo ah wasiir ka tirsan Norway ayaa cambaareeyay  kooxaha dowladda ku diiday inay soo rogto xeerar xaqagga qaxootiga ah, hadalkoodana uu u dhigmo mid sharciga lagu jabinayo.

Goobjoog News