U bood dhigaalka

Norway oo muwaadiniinteeda kaga digtay in ay u safraan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Norway ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u socdaalaan Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyi-Bari ee Soomaaliya.

Norway ayaa sidoo kale ugu baaqday in dadkeeda hadda ku sugan gudaha Soomaaliya ay si degdeg ah uga soo baxaan, si loo badbaadiyo badqabka noloshooda.

Digniinta Norway ayaa ku soo aadeyso xilli xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ay aad u xumayd 48 saac ee la soo dhaafay.