U bood dhigaalka

Nugaal: Maxkamad Xukun Ku Ridday Rag Kufsi Lagu Eedeeyey

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah u fariisatay mar kale eedo la xariira kufsi loo geystay haweeney xaas aheyd iyo gabar da’ yar oo ka dhacay magaalada xarunta ah Garoowe.

Maxkamadda ayaa markii hore bilowday dhageysiga dacwad loo heystay todobo rag ah kuwaas oo lagu soo eedeyey in 11-kii bishii Apriil ee sandkii tagay 2019-kii ay kufsi iyo dil u geysteen marxuumad Hodan Abdiraxmaan Shanleyte oo aheyd marwo xaas ah. Xeer ilaalinta dowlad gobaleedka Puntland ayaa maxkamadda ka hor akhriyey eedaha loo heysto todobada ragga ah, maxkamadda ayaa intaas ka dib ku dhawaaqday in kiis dib la isugu soo laabto 22-ka bisha February 2020-ka.

Sidoo kale maxkadda ayaa biloday dhageysiga dacwadda wiil dhalin yaro ah kaas oo ka maqnaa fadhiga dacwadda, waxaana loo heystay eed la xariirta gabar da’ay oo kufsi loogu geystay magaalada Garowe.

Maxkamadda ayaana eedeysana oo ka maqnaa fadhiga ku xukuntay 5 sano oo xarig ah ganaax lacageed oo gaarayo 1000 dollar iyo bixinta Meherka gabadha kufsiga loo geystay oo aan la shaacin. waxaa xusid mudan in xukunada ay riday maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal aysan ka soo muuqan wax qareenno ah kuwaas oo difaacayey eedeysanayaasha.

Dhinaca kale waxaa saakay maxkamadda darajada koowaad ee gobalaka Nugaal la hor geeyey ilaa 18 eedeysane kuwaas oo ku eedeysan dambiyo kale duwan oo kufsigu ka mid yahay , waxaana loo sababeeyey in qareenno aysan imaan Maxkamadda shaqo joojin ay sameeyeen iyaga oo ka cabanayo lacago wasaaradda maaliyadda ay ku soo rogtay.

Ugu dambeyn kiissas la xariiro ee kufsiga oo maanta maxkamaddu u fariisatay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo horay maxkamaddu cadaaladd u horgeystay rag horay gabar ugu kufsaday magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News