U bood dhigaalka

Nugaal: Maxkamadda Racfaanka Oo Dil Ku Xukuntay Raggii Ku Eedeysnaa Kiiska Caasha Ilyaas

Sheeko:Dalka

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa waxay maanta oo Axad ah xukun dil ah ku riddey Saddex qof oo ku eedeysnaa dilka iyo Kufsiga Caasha Ilyaas.

Waxay maxkamaddu sheegtay in raggan kala ah C/fitaax C/raxmaan Warsame oo 34-sano jir ah, C/salaan C/raxmaan Warsame oo 24-sano jir ah, C/shakuur Maxamed Dige oo 43-sano jir ah lagu helay dambiga ay galeen, kuna raacday xukunkii maxkamadda Derajada Koowaad.

Maxkamadda derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bishii May 2019 ku riidey raggan xukun ah dil toogasho ah.

Kiiskan ayaa aadi doona maxkamadda sare oo ugu dambeyn soo saari doonta go’aanka kama dambeysta.

Goobjoog News