U bood dhigaalka

NUSOJ Oo Ka Tacsi Ka Dirtey Geerida Cawil Daahir Salaad

Sheeko:Dalka

Midowga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxa uu ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid weriye Cawail Daahir Salaad oo Muqdisho ku geeriyooday maalinti shalay.

Dhimashada Cawil Daahir Salaad waxa uu qeyb ka ahaa dad ku dhintay qarax lala eegtay ciidan ku sugan bar koontarool oo u dhow tiyaatarka qaranka .

Qoraalka kasoo baxay Nusoj ayaa lagu tacsiyeeyey geerida  Cawil iyo darawalka shirkadda Univrsal oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xasan Carabey iyo Labo ilaalo ayuu xaqiijiyay in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen.

Weriye Cawil Allaha u naxariistee waxa uu  ka mid ahaa Kuwa ugu caansan uguna fir fircoon dhanka shaqada ,waxa uu qeyb ka ahaa weriyaal ku biiray Radio Muqdisho 1980 kii

Burburkii dalka kadib Cawil waxa uu u shaqeeyay meelo kala wudan oo ay kamid aheyd idacaddii Horn Afriik, inta uusan ku biirin Universal Tv ,Cawil Waxa uu ahaa qoraa iyo curiye arimaha bulshada.

Sanadihii danbe Cawil Waxa uu ahaa soo jeediyaha barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Universal waxa uu kamid ahaa weriyaal kooban oo dalkooda dib ugu soo noqday si bulshadooda ay ugu shaqeeyaan

Annagoo ku hadleeyna magaca weriyaasha Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dhaamaan ehaladii iyo saaxibadii uu ka baxay weriye cawil daahir salaad,waxaana alle ugu baryeen ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Nosej inuu janadiisa geeyo.

Urururka saxafiyiinta qaran soomaaliyeed ee Nosoj waxa uu la wadaagayaa dareenka iyo geeridii ku timid Cawil qoyskiisa .

Goobjoog News