U bood dhigaalka

NUSOJ Oo Baaq u Dirtey Ahlu-sunna Waljameeca

Sheeko:Dalka

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaaliyeed ee NUSOJ ayaa wax laga xumaado in  Ahlu-sunna Waljameeca ay hawada ka saarto Idaacadda Galgaduud xarunteeda degmada Guriceel.

Xoghayaha ururkaasi Maxamed Ibraahim Macalimuu oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan laga war hayn sababta Idaacadda Galgaduud  loo xirey, marka laga soo tago in qalabka oo dhan ay qaataan ciidamada Ahlu-sunna.

“Waa wax laga xumaado in habeen hore in ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca tageen xaruntii Idaacadda Galgaduud ee degmada Guriceel, islamarkaana ay qaateen qalabkii Idaacadda oo ciidanka dadka argagax ku rideen, waxay muujineysaa in weli halkaasi ay dhibaato weyn ka jirto oo xorriyada saxaafadda aanu ka jirin” ayuu yiri xoghayaha NUSOJ.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hadalkiisa sii watey ayaa yiri “Waxaa inoo muuqata iney yihiin oo kaliya dad doonaya iney aamusiyaan warbaahinta, illaa hadda wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen ma jirto, haddii ay qoonsadeen waxay ahayd iney sifo sharci ah u maraan, waa la ogyahay dad ciidan ah oo aan Idaacad aqoon u lahayn haddii la yiraahdo qalabka soo qaada waxa ka imaaan kara meeshaasi, kolley haddii ay wax ka tabanayaan Idaacadda waan ka sugeynaa” ayuu hadalkiisa ku darey Macallimuu.

Ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa habeen kahor waxay si awood ah ku galeen xarunta Idaacadda Galgaduud ee degmada Guriceel, waxaana ay qaateen dhammaan qalabkii ay ku shaqeyneysay Idaacaddaasi.

Goobjoog News