U bood dhigaalka

NUSOJ oo si kulul u cambaareysay weerarka lagu dhaawacay wariye Black (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Maxamed Pakistan
Maxamed Pakistan

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa cambaareeyay weerar maanta koox hubeysan ay ku dhaawaceen weriye Cabdirsaaq Jaamac Cilmi (Black) oo ku sugnaa meel u dhow hoygiisa magaalada Muqdisho.

Xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa tilmaamay in ay aad uga careysan yihiin weerarka lagu khaarijin rabay weriye Cabdirsaaq, waxaana uu ku baaqay in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhacdadan.

Maxamed Ibraahim Pakistan oo ku sugnaa isbitaalka Madiino ayaa u sheegay warbaahinta in dhaqaatiirta ay ku howlan yihiin la tacaalida dhaawaca wariyaha.

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa dhaawac u geystay wariye Black kuwaas oo goobta ka baxsaday isla markii ay falka geysteen.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Ibraahim Pakistan: