U bood dhigaalka

NUSOJ Oo Soo Dhaweysay Xeerka Saxaafadda Ee Baarlamaanka Meelmariyay

Sheeko:Dalka

Ururuka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyay xeerka saxaafadda ee shalay baarlamaanka Federaalka meel mariyay.

Xoghayaha ururkaasi Maxamed Ibraahim Pakistan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu xeerkani noqon doono hadii uu madaxweynaha saxiixo markii ugu horreysay oo saxaafadda Soomaaliyeed yeelato xeer ay iyagu leeyihiin.

Waxa aynu Pakistan weydiinnay qaabka ay ula socdeen xeerkaan illaa baarlamaanka ka meel marinayay iyo sidoo kale talada ay ku lahaayeen saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay xoghayaha in laga tashtay dhammaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed kahor inta aan la gudbin, isaga oo tilmaamay in dhammaan qodobada ka muuqda xeerkan uu dabooli doono baahiyaha saxafiyiinta.

“Marka aad fiiriso xeerkaan xuquuqda uu siinayo warbaahinta iyo qaabka loo xeeriyay qodobada ku qoran xeerkan dhammaantoodba marka aad wada fiiriso waxay noqonayaan kuwo ka tarjumaya in ay dabooli karaan baahiyaha saxafiyiinta oo hadda ka jirin sharci shaqaale oo madaxbanaan oo ay leeyihiin shaqaalaha madaxa banaan ee Soomaaliya, marka laga reebo sharciga shaqaalaha dowladda, marka si KMG ah waxa uu u dabooli karaa baahiyaha saxafiyiinta dhinaca shaqada ka haysta, hadii ay noqon lahayd heshiisyada, xilliyada la shaqeynayo, dhammaan waxa uu noqonayaa mid ka dabooli doona baahiyaha ay saxafiyiinta qabeen” ayuu yiri Pakistan.

Shalay baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka saxaafadda Soomaaliya inkastoo ay jiraan qodobo saxafiyiinta qaar ay farta ku godayaan.

Goobjoog News