U bood dhigaalka

Nuur Axmed: Askariga Labada Dhinac Ka Fekaraya

Sheeko:Dalka

Ninkani magaciisa runta ah ma ahan Nuur Axmed balse waa mid uu dalbaday inaan ugu yeerno, waxa uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, waana aabaha Saddex Caruur ah, noloshiisa inta badan waxa uu la qaataa qoriga Ak-47 bedalka waqtiga uu ku bixin lahaa inuu la ciyaaro carruutiisa, taasina waxaa ku qaadeysa sida ay uga go’an tahay difaaca dalka.

Mar Nuur ay wareysatay Goobjoog Fm waxa uu uga sheekeeyay noloshiisa gaarka ah, wuxuuna tilmaamay in ay jiraan caqbado badan oo haysta islamarkaana aan loo ogeyn.

Wuxuu tilmaamay in muddo aanu qaadan mushaar, guriga uu deggan yahayna waa mid Kiro ah, isaga oo sheegay in ay danta ku kallifto inuu Taleefanno ku wacdo dad ay aqoon isku leeyihiin oo dibadaha ku nool.

“Nolosheeda sooma koobi karo caqabadaha haysta aniga oo askari ah, waxaan ku dhibaateysanahay Mushaarka, gurigaan aad u jeeddo waxaa ii joogto Saddex carruur ah iyo xaaskeyga aad baan isugu dhibannahay, qolka aan degganahay waa kiro, dhallinyaro aan qaraabo nahay inaan baryo oo dibadaha wacdo ayeey dantu igu kalliftay, mushaarna ma haysanno hadane doorasho iyo waxbaa la sheegayaa waana iska sugeynaa”

Isagoo aan helin daryeel iyo mushaar joogta ah, hadane sababta uu dulqaadka u leeyahay ayaa waxay tahay difaaca dalka iyo dadka sida uu sheegayo.

Waxaa jirta tiro dhallinyaro ah oo u bareera qatar kasta oo ay la kulmi karaan si ay u difaacaan dalkooda.

Wariye Munsar: Halkani waa dhul banaan oo duleedka Muqdisho ah, waa meel tababar lagu siinayo tiro badan oo dhallinyaro ah islamarkaana qortay ciidannimo, tani waa muuq reebka la doonayo in dowladda Soomaaliya ay aragto dhallinyaradan u bareereysa iney dalkan difaacaan la siiyo xuquuqda ay leeyihiin.

Muuqaalka geesinimada ah ee habeen iyo maalin ku raraan in Askarteenu garbaha ku sidaan Ak-47 waxaa ka dambeysa bogta badan oo u baahan in la boog dhayo.

Haddii degdegsiiyo door noqotay kaadsiiyana darajo iyo taariikh qorantay ayaa lagu gaaraa, sidaasi waxaa aaminsan Nuur, Askariga Labada dhinac ka fekaraya.

“Shaarka waxaan u gishtay qarannimo iyo dalkeega oo burburay oo gadaal usoo noqday, aad ayaan ugu faraxsannahay, dhaqaalaha ciidanka la siiyo aad bay u liitaan, gunnooyin baan helnaa mana ahan wax qoyska lagu maareeyo, maareynta qoyska aad bay u liidataa, gurigan waxaan ku deganahay 50 doolar, aniga ninka gurigan leh baa aad u fiican mooyee dhallinyaro badan oo askar ah guryahooda waa laga saaray”

Tiro badan oo askar ah ayaa howshan u bareera iyaga oo og ineysan helayn mushaarkood dhammaadka bisha, laakiin sheekada guud ahaan taas wey ka fogtahay oo in badan oo dhallinyarta ka mid ah waxay uga mid noqdaa askarta shaqo la’aaanta dalka ka jirta darteed.

Taliska ciidanka xoogga dalka waa uu qirsan yahay in askarta aanay mushaarkooda si rasmi ah u helin sida uu horay u sheegay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

W/D: Munsar Maxamed Cabdi

W/Q: Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News