U bood dhigaalka

Nuur Idow Oo Noqday Xildhibaan Golaha shacabka

Sheeko:Dalka

Tartan adag oo la isla gaaray illaa 2 wareeg oo ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Kursiga Cali Madaxweyne oo ay ku tartamayeen Cabdullahi Maxamed Cali-Sanbaloolshe iyo Nuur Iidle Beyle, waxaa ay guusha raacday Nuur Iidle Beyle.

Labada Murashax ayaa kala helay Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe( 24) iyo Nuur Idow Beyle(27)

Marwo Xaliimo Ismaaciil Yarey, guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaran oo goobta ka hadashay ayaa u mahadcelisay maamulka Hirshabeelle, iyado markaasi kadib ku dhawaaqday natiijada.

Dhinaca kale, waxaa goobta ka hadlay murashaxiinta, iyaga oo u hambalyeey murashaxa guuleystay Nuur Idow Beyle

Goobjoog News