U bood dhigaalka

Obama Oo Baajiyey Kulan Uu La Yeelan Lahaa Dhiggiisa Philippine

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama ayaa ka noqday kulan uu horay ugu qorsheeyay in uu la qaato dhiggiisa dalka Philippine kadib aflagaado uga timid madaxweynaha dalkaasi.

Obama ayaa go’aansaday in gabi ahaanba uu meesha ka saaro kulankii uu la qaadan lahaa madaxweyne Rodrigo Duterte kaas oo la sheegay inuu u gafay waalidiinta Obama.

Labada madaxweyne ayaa ka qeybgalaya shirka wadamada Koonfur Bari Asia ee ka dhacaya Laos, waxaana Obama uu kulankii uu baajiyey ku bedalay inuu la yeesho madaxweynaha Koonfur Kuuriya.

Afhayeenka Guddiga amniga qaranka Maraykanka Nad Pres ayaa sheegay in aflagaadadii kasoo yeertay madaxweynaha Philippine ay tahay mid shaqsi ah, islamarkaana Obama uu go’aan ku gaaray inuusan madaxweynahaasi la kulmin.

Madaxweynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte ayaa horay loogu eedeyay inuu taageero kooxaha muqaadaraadka ka ganacsada, sidoo kalena aanu ilaalin xuquuqda aadanaha.

Goobjoog News