U bood dhigaalka

Obama Oo Digniin u Diray Musharraxiinta Loolanka Ugu Jira Aqalka Cad Ee Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa uga digay musharraxiinta loolanka ugu jira Aqalka Cad in ay ka fogaadaan wax kasta oo kicin kara xasilooni darro, maalin un kadib markii la hakiyey isku soo bax ay dhigi lahaayeen taageerayaasha Donald Trump cabsi laga qaba iska horimaad dhex mara dad taageersan Trump iyo kuwo kasoo horjeeda.

Mr Obama ayaa sheegay in musharraxiinta aysan maciin bidin in ay is caayaan, taas oo uu madaxweynuhu sheegay in ay sababi karto in dad American ah la iska hor keeno.

Mr Trump , oo ah ninka ugu cad cad musharraxiinta xisbiga Republican-ka ayaa joojiyey banaanbax qorsheysnaa in uu ka dhaco gobolka Chicago kadib markii halkaa ay isku fara saareen dad taageersan iyo kuwo ka soo horjeeda Mr. Trump.

Mucaaradka Mr Trump iyo dadka dhaliila siyaasadiisa ayaa aaminsan in ninkani uu qudbooyinkiisa u isticmaallo hadallo kulul oo dareenka dadka kicinaya aflagaadana u badan.

Mr Obama, ayaa ka hadlayey xarun xisbiga  Dimoqraatisku  uu ku leeyahay gobolka Dallas ee dalka Mareykanaka halkaas oo xisbigu lacag ku uruurinayey.

Madaxweyne Obama ayaa qudbaddiisa xoogga ku saaray sida loogu baahan yahay in dadka u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Mareykanka ahmiyad gaar ah ay u siin lahaayeen waxa wanaagsan ee ay dalkooda u qabanayaan balse taa badalkeeda aysan macquul ahayn in meelaha ay isku xag-xagtaan.

Ragga Trump la tartamaya ee Marco Rubio iyo Ted Cruz, ayaa si isku mid ah u sheegay in ay aad uga xumaadeen rabshadihii ka dhacay dalkaa ee uu sababta u ahaa Donald Trump.

Goobjoog News