U bood dhigaalka

Obama Oo Sheegay In Ciidanka Marakanka Duqeeyeen Xarumo Muhiim u Ah Daacish

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in duqeyntii ugu xooganeyd ay u geysteen deegaanadda dagaalyahanadda dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Siiriya  ay kaga suganyihiin Labadaa dal.

Obama ayaa warkaan sheegay iyadoo aad loo dhaliilayo istaraajeediyadiisa ku wayajahan dagaalka Washington ay kula jirto xoogaga Daacish.

Obama ayaa wasaaradda gaashaandhigga kula kulmay koox mareykanka u qaabilsan ammaanka qaranka Mareykanka.

Waxa uu obama u sheegay shcabka dalkiisa in aysan ka wal walin xaaladda ammaan ee Mareykanka isaga oo rajo weyn ka muujiyey in mareykanka iyo saaxiibadii ay dili doonaan hogaamiyayaasha kooxda Daacish.

“In dagaal la sii wadaa waa xaalad adag balse waxaan aaminsanahay in loo baahanyahay horumar aan ka sameynno dagaalka aan ku jirno ,” ayuu yiri obama.

Hadalka Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa u muuqanaya in uu yahay fariin ku socota dalka Mareykanka ah oo shakiyo badan ka qaba sida dowladoodu ugu lug leedahay dagaalka IS lagula jiro.

“Xoghayaha difacaaca dalka Mareykanka Ashton Carter ayaa loo diray Bariga Dhexe si loo dardar geliyo dagaalka wadamada aan saaxiibaha nahay ay kula jiraan  Daacish iyo in aan ku kaabno taageero military” ayuu yiri Obama.

Obama ayaa qudbadiisa ku xusay in ururka , ISIL xagaaygan uusan ku guuleysan hal howlgal oo dhanka dhulka ah goobaha ay ka joogaan Ciraaq iyo Siiriya isaga oo madaxweynuhu intaa ku sii daray in ay bartilmaameedsadeen ceelal shidaal oo ay kooxdu ka sameyn jirtay lacag aad u fara badan.

Goobjoog News